Dood Adag oo Dhex Martay Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI

0
847

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI,ayay dhex martay dood aad u adag oo la xidhiidha arrinta xubnaha komishanka Doorashooyinka qaranka gaar ahaan xubnaha uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo lagu muran san yahay sharciyaddooda.

Dood uu daadihinayay wariye Khadar Maxamed Cakuulle oo ka baxday caawa laanta afka Somaliga ee Idaacadda VOA-da  oo ah barnaamijka falanqaynta Jimcaha ayay ka qayb galeen laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland isla markaana kala ah KULMIYE iyo WADDANI

Waxaana doodda ka qayb galay Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed oo ka socday Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka socday xisbiga mucaaridka h ee WADDANI iyo Guddoomiyihii ugu horreeyay ee gudidii doorashada ee ugu horraysay ee Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar,Cabdilaahi jawaan.

Dood adag oo dhan waliba difaacayay mawqifkiisa isla markaana dhanka kale ka dhigayay dhinac aan diyaar u ahayn doorashada oo muranka abuurma ka masuul ah ayaa dhex martay labada dhinac.

Halka Cabdilaahi Jawaan uu ka hadlayay dhanka sharciyadda iyo shaqada komishanka doorashooyinka iyo hadda siduu xal u arko.

Haddaba dooddaas oo dhammaystiran halkan ka dhegayso

Xogsoornews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here