Muqdisho(Xogsoornews.com):-Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida ayaa shaaciyay inuu maalinta Jimcada ah ee 22-ka bisha November, 2019-ka, garoonka Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ku qaban doono muxaarado, haseyeeshee waxaa arrintaas si weyn uga soo horjeestay Afhayeenka golaha guud ee Culimada Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow.
Warka labada sheikh oo aan ka soo xiganay BBC-Somali,ayuu Sheekh Soomow ku eedeeyay Sheekh Umanin uu gaalaysiiyay culimada Suufiyadda isla markaana uu jeediyay dad badan lagu laayay.
Laakiin Sheekh UMAL oo eedahaa ka jawaabay ayaa sheegay in arrintaa aanay waxba ka jirin isla markaana uu qaban doono maalinta Jimcaha ee Berri muxaadaro uu ku qabanayo magaalada Muqdisho.
Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow oo ka hadlayay eedaha uu ku duray Sheekh Umal,ayaa yidhi.”Sababta aan ku diiddanahay muxaadaradaas waa in ugu horreyn qofka dhigaya uu yahay ninka la yiraahdo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Fikirkaan ay khawaarijtu dadka Soomaaliyeed ku baabi’iyeen ayuu wax badan taageersanaa, ilaa haddana ma ogin meel uu uga tanaasulay, gaar ahaanna culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, ee Suufiyada loo yaqaanno wuxuu u yaqaannaa gaalo, marka waxaa layaab leh oo ayaan darro ah in isagoo gaalo noo yaqaanna, dad badan oo ahlu dariiq ahna ay khawaarijtu ku leysay iftadiisa iyo fikirkiisa uu maanta dhaho waxaan u khudbeynayaa agoonti”, ayuu yidhi Sheekh Soomoow.
Dhinaca kale, Sheekh Umal, oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa ka jawaaby arrintan, wuxuuna beeniyay dhammaan eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh Soomoow.
Isagoo ka hadlayay arrintaas ayuu yiri: “Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen”.
“Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo”.
Haddaba jawaabta Sheekh Umal halkan ka dhegayso
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland