Madaxdhaqameedka Awdal iyo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Go’aan Wada Jir ah isla Qaatay

0
562

Borama(Xogsoornews.com):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Madaxdhaqameedka gobolka Awdal,ayaa isla qaatay go’aan wada jir ah oo ay ku midaysan yihiin in ay dhan uga soo wada jeedaan cid kasta oo nabad gelyada gobolka Awdal lid ku ah.

Madaxdhaqameedka gobolka Awdal oo kulan ay wada jir ula yeesheen Madaxweyne ku xieenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle,ayaa ku dheeraday siday u taageersan yihiin Xukuumadda Somaliland isla markaana ay ugala shaqaynayan  nabad gelyada.

Waxaanay Madaxdhaqameedku farriin u direen Suldaan Wabar oo ay u soo jeediyeen in uu dalkiisa dib ugu soo noqdo oo uu ka noqdo fikirka jabhadaynta ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici ayaa dhankiisa sheegay in nabad gelyada qaranka iyo ta gobolka Awdal midna in aan cidna laga baryayn waxaanu intaa raaciyay in loo baahan yahay in dhan looga soo wada jeedo cid kasta oo lid ku ah nabad gelyada.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here