Kal-fadhigii 48-aad ee Golaha Wasiirrada  Somalilaand oo Xeerar Lagu Ansixiyey

0
530

Hargeysa-(Xogsoornews.com)-Kalfadhigii 48-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu  ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel  lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.

Xeerarka qabyo qoraalka ah ee golaha wasiirada Somaliland maanta ansixiyeen oo u gudbi doona golaha wakiiladda ayaa kala ah qabyo qoraalka  xeerka  la dagaalanka ka ganacsiga iyo Tahriibkaa dadka iyo xeerka labaad oo ah xeerla la dagaalanka mukhaadaraadka oo wax ka bedel lagu sameeyay inkastoo xeerka dambe uu hore u jiray.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo ka hadlayay xeerarka kl-fadhigii golaha wasiiradda Somaliland maanta lagu ansixiyay,ayaa u dhignaa sidan.

“Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:

  1. Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo
  2. Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala”

 

Xogsoornews.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here