Wasaaradda Diinta oo Digniin u Dirtay Culimo Baraha Bulshada Farriimo Isku Waydaarsaday

0
557

Hargeysa(Xogsoornews):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay farriimo ay baraha bulshada isu mariyeen qaar ka mid ah culimada dalka oo iska dalbanayay in ay dood wadaag wada yeeshaan.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo qoraal kooban soo saartay ayaa meesha ka saartay wax dood wadaag ah oo culimadu ay wada yeelan karaan,taas oo ay sheegtay in ay khl khal gelin karto ammaanka dalka iyo xasiloominda guud.

Waxaa kale oo wasaaraddu ay sheegtay in aanay jirin cid gaar u sheegan karta wasaardda diintuna ay u dhaxayso culimada dalka oo dhan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Diint iyo Aw-qaafta Somaliland oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Xarunta warqabadka Xogsoornews.com ayaa u dhignaa sidan.

 

 

“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO).

 

Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto.

 

Haddaba, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019, waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka soo baxay.”

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here