“Anagu Ma Ogolaanayno Xubinta Cabdirashiid Riyo-raac, Inuu Shaqeeyo Ma Aaminayno” Faysal Cali Waraabe

0
558

Hargeysa  (Xogsoornews.com):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay aqbali-doonin in Cabdirashiid Riyo-raac oo ka mid ah xubnaha Gollaha Wakiiladu u ansixiyeen inuu ka mid ahaado Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

 

Faysal Cali Waraabe oo maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi aanu u badheedhay inuu baal-maro ku dhaqanka sharciga.

 

“Arrintn  imika jirta maaha mid labda Xisbi (WADDANI iyo UCID),  aafo qaran-baa dhacday waxaanu doonaynaa dalka sidan lagu sii eegi-maayo, haddii sidan lagu eegto waa bur-burkeena. Dareenkuna wuu jira maanta in dalku la laalaado meel khatara, wixii laga yeeli lahaa arrintan reer Somaliland oo u dhan  Talladeedii in aanu doono ayaanu doonaynaa ee inaanu Madaxweyne anaga nagu ilaalinayin Sharciga in isagii uu badheedho waanu badheedhyoo waad aragteen,  Golle Deegaan oo aan la dooran oo wakhtigu ka dhacay ayaa shaqaynaya.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in aanay Xisbi ahaan ogolayn Cabdirashiid Riyo-raac oo kamid ah Lixda Xubnood ee Gollaha Wakiilladu u ansixiyeen ka mid noqoshada Guddiga doorshooyinka qaranka “Anagu ma ogolaanayno Xubinta Cabdirashiid Riyo-raac, inuu shaqeeyo ma aaminayno. Sharci-buu jibiyay wuxuu la mid yahay kii lagu diiday Maxamed Cismaan Fadal.”

 

 

HALKANA KA DAAWO WARKAN.

 

Xogsoornews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here