Hargeysa (Xogsoornews.com):- Mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland,ayaa ansixiyay lix xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee gudida doorashooyinka qaranka,xubinta maqan ayaa ah xubintii uu gudda doorashooyinka u soo xulay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo isagu xubintooda hakad geliyay ka dib markii ay cabasho ka keeneen xubno ka mid ah lixda maanta la ansixiyay.
Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda oo uu shir-guddoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay ka soo xaadireen 65-mudane ayuu golaha ka codsaday in ay xubin xubin ugu codeeyaan.
Xughayaha guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mid mid golaha uga hor akhriyay maraaxilkiisi waxbarasho iyo taariikhdooda shaqsiga ah.
Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay natiijooyinkaa xubnaha cusub ee gudida doorashooyinka waxaanu yidhi “Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) waxaa ogolaaday 50-mudane, 12-mudane ayaa diiday, 1-mudanena wuu ka aamusay sidaasi ayuu ansax ku yahay, Maxamuud Daahir Jaamac waxaa ogolaaday, 55-mudane, 5-mudane ayaa diiday, 4-mudanena way ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna mu codeyn sidaasi ayuu ansax ku yahay, Mustafe Maxamed Daahir waxaa ogolaaday, 58-mudane, waxaa diiday 4-mudane, waxaa ka aamusay 2 mudane guddoomiyuhuna mu codeyn sidaasi ayuu ansax ku yahay, Kaltuun Xasan Cabdi waxaa ogolaaday 55-mudane, 8-mudane ayaa diiday 1-mudane ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayuu ansax ku yahay, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) waxaa ogolaaday 58 mudane, cid diday ma jirto, 6-mudanena way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn sidaasi ayuu ansax ku yahay, Maxamuud Siciid Dalmar goobta kamuu soo xaadirin, Xasan Yuusuf Ducaale waxaa ogolaaday 58-mudane, waxaa diiday 1-mudane, waxaa ka aamusay 5-mudane guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayuu ansax ku yahay.”
Lixda xubnood ee golaha wakiiladda Somaliland uu maanta codka ku meel mariyay ayay ka mid yihiin xubno ay cbasho ka muujiyeen asxaabta mucaaridka ee WADDANI iyo KULMIYE,iyadoo dhammaystirka xubnaha gudida doorashooyinkana ay wali ka dhiman tahay xubintii xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Walina waxaa taagan muranka ku saabsan xubnaha gudida doorashooyinka qaranka.
Xogsoornews.com
Hargeisa Ofice.