Hargeysa (Xogsoornews.com):- Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo-guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa ka hadlay Xilkan loo magacaabay, waxaanu u mahad-naqay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Waxaan u mahad-naqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo igu aaminay Xilka Taliyaha Booliska oo ah Xil culus, Xilal badan 30-kii Sannadood ee u dambeeyay waan soo hayay. Kalsoonida Madaxweynuhu i siiyay ayaa wax weyn ah .” Ayuu yidhi Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland
Taliyaha Booliska Sareeyo-guuto Maxamed Aadan Saqadhi oo hadalkiisa sii watay , waxa uu yidhi“ Ummadda Somaliland waxaan u sheegayaa cid kasta oo Su’aashaa qabtay-ba cid kasta oo Ciidamadda soo martay wey taqaanaa. Waxoogaa farsamo ahi hadday jirtana Ragg khabiiro ah oo aanu Saaxiib nahay oo iga horeeyay-ba jira oo aanu si fiican u wada-shaqayn doono.” Ayuu yidhi Taliyuhu
Taliyaha Booliska Sareeyo-guuto Maxamed Aadan Saqadhi , ayaa Shacbiga ugu baaqay inay kala shaqeeyaan sugida Amniga, “Waxa kale oo aan rabaa Bulshadda reer Somaliland inaan u sheego, Boolisku waa adeege oo wuxuu u adeega Shacbiga oo Nabad-gelyadduu ka shaqeeya, Nabad-gelyaddana Boolisku keligii ma qaban-karo haddanay Bulshaddu la shaqaynin inta badana Shacabkaa Nabad-gelyadda ilaaliya oo Booliska soo war-geliya. Sidaa darteedna waxaan ka warhaya inay Shacbigu ku wanaagsan-yihiin inay Ciidamadda Booliska la shaqeeyaan oo shaqadda Boolisku hayaan kala shaqeeyan.”
HALKANA KA DAAWO WARKAN.
Xogsoornews.com