Hargeysa (Xogsoornews.com):- magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida Itoobiya waxa ka furmay Shirwaynihii 4-aad ee Ururka ONLF, Shirwaynahan waxa kasoo qayb galay dad aad u badan oo isugu jira Xubnaha Ururka, Taageerayaasha ONLF, xubno ka socday Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya.
Sidoo kale waxaa iyana kasoo qayb galay Shirwaynahan Wakiilo ka socday dawladda fadaraalka Itoobiya iyo Dawlad Degaanka Soomaalida, qaar kamid ah Culimada degaanka, Odayaal dhaqameedka degaanka iyo marti sharaf ka kala timid dalalka dariska.
Shirwaynahan ayaa waxa inta uu socdo lagu gorfayn doonaa waxyaabo muhiim ah, isla markaana Umadda degaanka Soomaalida lagu hagi doono.
Sidoo kale Madaxda Ururka ONLF ayaa iyaguna hadallo taariikhi ah kasoo jeedin doona Shirwaynahan.
Shir-waynahan oo ah mid dadwaynaha Soomaaliyeed isha ku hayaan ayaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aano wax-tar u noqda masiirka Shacabka degaanka.
Xogsoornews.com