Hargeysa (Xogsoornews.com):- Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo Xildhibaanada Baarlamanka Puntland cod gacantaaga ay Xilkii kaga qaadeen, ayaa sharci-darro ku tilmaamay Xil ka qaadistiisa.
“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan, waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo.” ayuu yidhi Dhoobo-daareed
Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa beeniyay eedo loo jeediyay oo ah inuu ku xad-gudbay Dastuurka Punyland,waxaanu yidhi, “Ma jirto xeer hoosaad aan Jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambaysay si fiican bay u qabsoontay. Guddoonkaygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen.”
“Waxaa nakala saaraya, in uu xaq yahay ama in uu xadhaan yahay, waxa iigu qoran Daastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo.” ayuu hadalka sii raaciyay Cabdixakiin Dhoobo-daareed
“Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa.” ayuu sheegay Cabdixakiin Dhoobo-daareed
Xogsoornews.com
Xigasho BBC.