Hargeysa (Xogsoornews.com):- Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay goor dhawayad guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay cod gacan taag ah xilkii looga qaaday guddoomiyihii Golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daareed.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Puntland Garyaqaan Cabdicasiis ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo lagu amray in mudo kooban ay ku qabtaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddiga, ayaa Guddoomiye u ah Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle, waxaana mid ah Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac, Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed, Xildhibaan Axmed Xiriir Gaas, Xildhibaan Aadan Yuusuf Aadan, Xildhibaab Mahdi Saciid Xassan iyo Xildhibaan Cabdulalahi Yuusuf Muuse.
49 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixisay maanta xil ka qaadista Guddoomiye Cabdixakiin Doobo oo lagu eedeeyay qoddobo dhawr, iyadoo xalay dagaal ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Puntland la sheegay in ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad beeshiisa ah sida laga soo xigtay Taliska Booliiska Puntland.
Xogsoornews.com