Hargeysa (Xogsoornews.com):- Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul gobolleedka Puntland ayaa cod gacan taag ah xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Doobo-Darreed)
Fadhi ay yeesheen Xildhibaanadu, ayaa waxa ka soo xaadiray oo ku sugnaa 53 mudane, waxaana shir guddoominyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo mooshinkan markii horeba qabtay.
Xildhibaanno gaadhaya 49 mudane ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka Afar Xildhibaan ay ka aamustay codbixinta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay Dastuurka Puntland, isla markaana xarunta Baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.
Magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta Baarlamaanka waxa xalay ka dhacay dagaal dhaxmaray Ciidamada Booliiska iyo Maleeshiyaad la sheegay in ay ka amarqaataan Guddoomiyaha xilka laga qaaday waxaana ku dhintay in la ogyahay Afrax ruux.
Xogsoornews.com