Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa digreeto Madaxweyne ku magacaabay Taliyaha iyo taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii uu geeriyooday 2-dii bishan taliyihii hore ee ciidanka Booliska Somaliland ALLE ha u naxariistee Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Wareegto Madaxweyne oo ka soo baxday qasriga Madaxtooyada Somaliland isugu jirtay magacaabista madaxda ugu sarraysa ciidanka booliska Somaliland iyo xil ka qaadis,ayaa u dhignayd Sidan.
Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.
Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
“Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
Magaca Xilka
1.Sarreeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland
2.Sarreeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax
Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire
Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.”
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland