Hargeysa(Xogsoornews.co):- Shirkadda Dahabshiil Group,ayaa deeq lacageed iyo kaalmo adeeg lacag la,aan ah kaga qayb qaadatay samato bixint gurmadka dadka ku tabaaloobay fatahaadda wabiga Beledweyne iyo daadka saameeyay deegano kale oo Soomaaliya ah.
War-saxaafeed ka soo baxay maamulka guud ee shirkadda Dahabshiil Group,oo lagaga hadlay gurmadka Shirkaddu kaga qayb qaadanayso gurmadka daadadka iyo fatahaadda wabiga,ayaa u dhignaa sidan.
WARSAXAAFADEED
Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan ehelada dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Baladweyne, Berdaale Iyo Gedo.
Iyada oo shirkadaha Dahabshiil Group mar walba u taaganyihiin daryeelka bulshada iyo ka qayb qaadashada gurmadyada degdegga ah goob kasta iyo goorwalba oo loo baahdo, sida abaaraha, fatahaadaha, iwm, waxa Maamulka Guud ee shirkadaha Dahabshiil guddoonsaday in si mug leh looga qayb qaato musiibada dabiiciga ah ee kuhabsatay dadka ay barakiciyeen fatahaaduhu.
Haddaba, Shirkadaha Dahabshiil Group, iyaga oo ka jawaabaya baaqyadaa, kana damqaday dhibta baaxadda leh ee soogaadhey dadka maatida ah, waxa ay go’aamiyeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo qoysaskaasi waxyeelladu soogaadhey, Waxay Shirkadaha Dahabshiil Group u garteen in Raashin iyo agab kale oo qiimihiisu wadar ahaan gaadhayo US$150 000 oo ah wajiga hore lala gaadho barakacayaasha Beledweyne, Berdaale Iyo Gedo.
Shirkadaha Dahabshiil Group waxay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed ee wax haysta, gudo iyo dibedba iyo cidkasta oo gacan ka geysan karta gurmadka taakuleynta barakacayaasha ay kuhabsatay aafada dabiiciga ahinay ka qaybqaataan gurmadka iyagoo usoo marin kara khidmadla’aan Akoonka ka furan Dahabshiil ee MUQD0052734 ama eDahab0623258080, waxana maamulaya akoonaddan Gudidda Ganacsatada waaweyn, Culimadda iyo Shirkadda Dahabshiil.
WabillaahiTawfiiq
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland