Hargeysa (Xogsoornews.com):- Xoghayaha Caafimaadka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa sheegtay inay iska casishay xilkii ay ka haysay xisbigaasi.
Marwo Saado oo u warantay Telefishanka SAHAN, waxay sheegtay inay martay jidkii ay mareen xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Marwo Faadumo Siciid oo hore uga tirsanaa xisbigaas Waddani.
Waxay Marwo Saado tidhi, “Magacaygu waa Saado Jaamac Aadan, anigoo ah Xoghayaha caafimaadka ee Xisbiga WADDANI, kuna jira golaha dhexe, waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan u hayay Xisbiga WADDANI, taas oo ay sababtay inaan xisbiga ka dhex arki waayay siyaasadii aan doonayay inaan gaadho, odayn wayn oo waayeel ahi siduu wax u arkay waxba uma sheego, maantaan go’aansaday, Faadumo Siciid iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wadadii ay mareen ayaan maray.” Ayay tidhi Marwo Saado Jaamac Aadan.
HALKANA KA DAAWO WARKAN.
Xogsoornews.com