Gurmad Loo Fidinayo Dadka Ka Barakacay Fatahaaddaha Baladweyne Oo Socda

0
639

Hargeysa  (Xogsoornews.com):-  Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Gargaar lacageed oo ay uga qeybqaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka ay saamynta ku yeesheen daadadka ka dhashay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Image result for fatahaada wabiga baladweyne

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dadka walaalahood ah ugu deeqday Lacag dhan  500,000 (shan  boqol oo kun oo dollar) taasi oo loogu talagalay in wax loogu qabto  dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

 

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in Madaxwaynaha, Gudoomiyyaasha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaaaha dalka ay mushaarkooda bisha October ugu deeqeen dadka ay  fataaduhu saameeyeen ee ku dhaqan magaalada Baladweyne.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisan wax u qabashada dadka ku barakacay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo Boqolkiiba Sagaashan dadkii ku noolaa ay dibadda uga baxeen daadad ku soo rogmaday guryihiin ay xaafaddihii ay ku noolaayeen.

 

 

Dhinca kale waxa weli socda Gurmad loo fidinayo dadka uu ku soo fatahay Biyaha Webiga Shabeele ee magaalada Baladweyne, waxaana Gurmad lagu taageerayo uu ka socdaa magaalooyinka London, Minneapolis iyo Garoowe, kuwaas oo lagaga dhawaqay olole lagu caawinayo dadkaasi.

 

Xogsoornews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here