Hargeysa (Xogsoornews.com):- Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Faarax Maxamed Mirre ayaa sheegay in koox hubaysan weerar ku soo qaadeen saaka waaberigii Saldhigga Booliska magaaladda Boorama,kuwaas oo markii dambe u baxsaday dhinaca xuduudda Itoobiya.
Taliye ku xigeenku waxa uu xusay inay qaar ka qabteen, halka kuwii kale ilaa xadka Itoobiya baacsadeen, waxaanu sheegay in hadda magaaladda iyo gobolku amnigiisu sugan yahay.
“Saakay waaberigii koox yar oo qaswadayaal ah ayaa rasaas ku soo riday saldhiga dhexe ee Boorama, ciidanada booliska ayaa ka hor tagay oo eryaday oo ilaa xuduudda Itoobiya galeen aan ka soo hadhin, imikana waa nabad gobolku”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Farax Maxamed Mirre.
Taliye ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay qaar ka mid ah dableydaasi laga soo qabtay, kuwii kale ku daba jiraan, islamarkana sheegay in aanay jirin wax khasaare oo halkaasi ka dhacay.
HALKANA KA DAAWO WARKAN.
Xogsoornews.com