Hargeysa (Xogsoornews.com):- Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in Cabdirashiid Maxamed Riyo-raaaco oo ka mid ah saddexda xubnood ee Madaxweynuhu u soo xulay ka mid noqoshada Guddiga doorashooyinka aanu ka tirsanayn xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo warbaahina kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Cabdirashiid Riyo-raac aanu ku jirin golahii dhexe ee sannadkan 2019 lagu soo doortay shirkii ka dhacay magaalad Boorama.
“Cabdirashiid Riyo-raac Sannadkii 2014-kii ayuu Golaha dhexe ku soo galay Wasiiru-dawle, Golahan dhexe ee cusub oo bishii March 2019 aanu ku qabanay magaalada Boorama kumuu jirin kamaanu mid ahayn. Ma wanaagsana Ummadda in lagu rido jaah-wareer iyo waxaan jirin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaas ku diray, “Arrintaa haddaanu nahay Shirguddoonka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ka hadhi-mayno , Maxkamadda baanan geynaynaa cidda Umadda waxaan jirin iyo Beenta Warbaahinta la taagan weyn cadayn-doontaa, waayo dalka sharcbi baynu ku wadda-joognaa waxaan jirna in Umadda loo sheego maaha. Cabdirashiid Riyo-raac Imika kuma jiro kamana mid aha Xisbiga KULMIYE.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Dhinaca kale Xoghaha Golaha dhexe Mustafe Maxamed Yoonis ayaa sheegay in Cabdirashiid Riyo-raac hadda ka mid ahayn Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE .
HALKANA KA DAAWO WARKAN OO FAAH-FAAHINTA WARKAN.
Xogsoornews.com
abafgaab@hotmail.com