Garoowe(Xogsoornews.com):- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni,ayaa sheegtay in uu la wareegay deegaano ka tirsan dhulka Somaliland gaar ahaan gobolada Sanaag iyo Buuhoodle.
Waxaanu intaa ku daray in gobolka Sanaag bari dhul badan oo ka mid ah in ay gacanta ku hayso xukuumaddiisa Puntland,waxaa kale oo uu sheegay in magaalada Buuhoodle in ay ku sugan yihiin wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa iyadoo uu tilmaamay in isaga xukuumaddiisa ka hor in Buuhoodle wax maamul ahi aanu ka jirin.
Wxaanu sidaa kaga hadlay maanta mar uu ka qayb galay furitaanka kalfadhiga 45 aad ee baarlamaanka Puntland.
Hadalkan ayuu Madaxweyne Deni kaga jawaabayay su’aal xidhibaan waydiiyay oo uu xoog uga cadhooday isla markaana sababtay in uu markii dambe xarunta Baarlamaanka cadho kaga boxo.
Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.
Xogsoornews.com
abafgaab@hotmail.com