Jawaahir oo ka Hadlay Xiisad ka Dhalatay Illaalada Gurigiisa oo Laga Qaadayay iyo Gadood ka Dhashay

0
419

Addis-ababa(Xogsoornews.com):- hoggaamiyaha Awoodda badan ee qoomiyadda Oromada ee Jawahir Maxamed,ayaa ka hadlay xiisad ka dhalatay ciidan guriga uu ka deggan yahay magaaladda Addis-ababa tegay isla markaana amray in ay guriga ka tagaan ciidan hore u joogay oo isaga illaalo u ahaa.

Laakiin markii ciidankii Illaalada u ahaa ay diideen in ay ka tagaan guriga ayuu muran ka dhex abuurmay labada ciidan.

Arrintaasina waxay markii dambe sbabtay kacdoono ka dhacay dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanka Oromada oo gadood sameeyay ka dib markii uu Jawaahir barihiisa bulshada uu ku faafiyay in ciidan la soo dul dhigay gurigiisa.

Taasina waxay sababtay in Qoomiyadda Oromadu y xidho dhammaan waddooyinka isku xidha dalka Itoobiya intiisa kale iyo deegaanka Oromada.

Jawaahir oo Idaacada VOA-du wax ka waydiisay muddaharaadka ka dhacay dalka Itoobiya deegano badan oo ka mid ah iyo sababaha dhaliyay,ayaa yidhi. “Waxa jiray ciidan heer Federal ah oo boolis ah oo illaalo ii ahaa isla markaana gurigayga joogay waxaana u yimi xilli habeenimo ah ciidan Federaal ah oo amar ku siiyay ciidankii illaalada ii ahaa in ay ka tagaan guriga,ciidankiina waxay yidhaahdeen aan Jaawir ku war gelino laakiin waxaaa loo sheegay in aanay cidna waxba ogaysiin ee ay amarka qaataan ooo ay fuliyaan waxa la faray isla markaana ay guriga banneeyaan,intaa ka dib ciidankii illaalada ahaa waxay is waydiiyeen sababta xilli habeenimo ah iyadoo aan wax wargelin ah an hore la iisoo siin ciidanka loo amray in ay ka tagaan guriga.”

 

Waxaanu inta ku daray isagoo haadalkiisa sii watay. “In illalada gurigayga la iga qaado iyadoo aan la igu war gelin waa arrin la yaab leh mana aha wax laga filan karo dawladda,Waxaanan maqalnay markii ciidanka guriga laga qaaday in ay jireen dhallinyaro loo ogolaaday in ay guriga soo galaan si ay ficil u sameeyaan,taasi waa warar la isla dhex marayo oo aanu maqalnay,isku daygu waa uu fashilmay.Taasina wxay nagu abuurtay su’aalo naga wareeriyay oo aan laga jawaabin”

kacdoonada qoomiyadda Oromadu ay samaysay illaa markii habeen hore ciidamadu ay guriga Jawaahir ay tageen ayaa sababtay in isu socodka gaadiidka u kala goosha dalalka Itooboya iyo Somaliland ay hakad galaan isla markaana aanay jirin wax gaadiid ah oo u kala gudbay deegaanada Itoobiya ee xuduudka la leh deegaanka Oromada ka dib markii ay xidhiidh dad Oromo ah oo gadooday wddooyinka.

Xogsoornews.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here