Axmed-madoobe oo Markale Noqday Madaxweynaha Jubaland iyo Beesha Caalamka oo Su’aal Galisay Guushiisa

0
472

Kismaayo(Xogsoor Media.Net):-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale loo dhaariyay in uu noqdo Madaxweynaha Jubaland ee afarta sano ee soo socda taas oo ka dhigan in markii sadexaad uu noqdo Madaxweynaha Jubaland.

 

Ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii Maanta ka dhacday Xarunta maamul goboleedkaas ee Kismaayo oo uu hehay wareegii hore ee doorashada  tirada codadkii loo baahnaa isaga oo helay (56 cod) — halka musharixii ku soo xigay Canab Maxamed Daahir heshay (17 cod) musharaxa saddexaad Maxamuud Maxamed Cumar ayaa isaguna helay (1 cod) taasoo ka dhigay  in dhamaan 74 -ta  xildhibaan ee baarlamaanku ka kooban yahay ay codkooda wada dhiibteen iyadoo aanay jirin wax cod ah oo xumaaday.

Doorashada kaddib madaxweyne Axmed Madoobe ayaa  loo dhaariyay xilkan afarta sano ee nagu soo foolka leh.

Ka qeybgalayaashii doorashada iyo xildhibaannadii codadka dhiibay ayaa durbaba sacab iyo sawax ku soo dhaweeyay natiijada xili wali lagu guda-jiray tirinta codadka kaddib markii ay xaqiiqsadeen in uu gaaray tiradii looga baahnaa in uu ku soo baxo.

Ka hor doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayeey dad badani  sii saadalinayeen in  Axmed Madoobe ku sii bixin doono  markii saddexaad kursiga madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.

Beesha caalamka iyo dowladda federaalka ayaa siweyn uga horyimid doorashada iyo hannaanka loo maamulay , iyaga oo sheegay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here