Hargeysa(Xogsoor Media.Net): Kullan loogu ducaynayay Guddoomiyihii gobolka Banaadir Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ahaana Duqii Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho,kaasi oo haatan loogu magac daray Marxuum Eng. Yariisow.
Munaasabaddan ducada ah ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raiisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ,xubnaha golayaasha kala duwan ee Xukuumadda ,kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadaasi ducada ayaa qirtay in Marxuum Yariisow uu ahaa shakhsi ku waynayd wadaniyada,dal iyo dowlad jacaylka iyo in uu horumar gaadhsiiyo bulshadiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadaasi ducada ayaa ku dhawaaqay in Garoonkaasi Koonis hadda kadib loogu magacdaray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Mas’uuliyiintan iyo shacabki tagay goobtaas ayaa Eebe uga baryay in uu Jannadii Fardowsa uu ka waraabiyo,waxana madaxda dowladdu ay balanqaadeen in ay ka warqabidoonaan qoyskii uu ka tagay Marxuum Eng Yariisow.
Xogsoormedia.net.Hargeysa