Masuuliyiinta Gabiley Oo Ku Baaqay In Laga Qayb-qaato Hir-gelinta Dhismaha Maktabadda

0
312

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):  Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Xaaji Axmed iyo duqa degmada Gabilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, ayaa shacbiga iyo ganacsatada Gabiley u  soo jeediyay inay ka qayb-qaatan dhinacooda hir-gelinta Maktabadda akhriska Buugaagta ee magaalada Gabiley.

 

“Dhaqaalihii ugu horeeyay ee dawladda hoose ku bixisay in la hir-geliyo Maktabadda Buugaagta Gabiley, waa dhaqaalihii u horeeyay. Dhaqaalihii dawladda dhexena balanqaaday inay maanta soo gaadheen oo labadiiba ay soo gaadhay oo labadiiba maanta gacanta ku jiraan, waxaanan mahad-celinaynaa Wasaaraddaha Waxbarashadda iyo Maaliyadda. Waxaanu leenahay qaybtiinina wey idin bilaabantay.” Ayuu yidhi Duqa degmada Gabiley Maxamed Amiin.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobobolka Gabiley  “Waa tallaabo la qaaday oo shaqo badan la geliyay,  waanan bogaadinaynaa shaqadan ay guddidu wado. Ganacsatada iyo shacbiga reer Gabileyna waxaanu leenahay inay huraan, qorshaha ay soo wadaan guddiduna qayb bay ka tahay qaadhaankii la soo ururinayo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

 

HALKANA KA DAAWO FAAH-FAAHINTA WARKAN.

 

Xogsoormedia.net.Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here