Hargeysa(Xogsoor Media.Net): Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixintii u horraysay oo horudhac ah oo looga hadlay natiijada baadhitaan lagu waday weerarkii 24-kii bishii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.
“Baadhitaan hordhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ayaa lagu oggaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah, kana shaqaysanaysay dowladda hoose ee Xamar, iyado kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd xarunta dowladda hoose.” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Weerarka ayaa waxa ku dhintay siddeed qof oo uu ku jiro Guddoomiyihii gobolka Banadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho, Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Yariisow oo u geeriyooday dhaawac weerarka ka soo gaadhay.
Hoos ka akhri warbixinta hay’adaha amniga:-
Xogsoormedia.net.Hargeysa