Hargeysa(Xogsoor Media.Net): Wasiirkii hore ee Wasaaradda horumarinta Maalliyada haatanna xubin ka ah guddida sare ee tacliinta Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Sabtidii toddobaadkan ay kala saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi qaran ee UICD iyo WADDANi.
Maxamed Cabdi Raage, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maalliyadu waxa uu guul ku tilmaamay in xal laga gaadho khilaafkii muddooyinkan ka aloosnaa qabsoomida doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
“Waxaan aaminsananhay in (heshiiskaasi uu yahay ) guul u soo hoyatay Somalialnd, waayo Jamhuuriyadda Somaliland waa dal dimuqraadi ah , cid kasta oo xilka qabanaysaana doorasho ayay ku timaadaa, taasoo si nabad iyo xor ah laysugu bedeli jiray”. Sidaasi ayuu yidhi wasiir Yuusuf, waxaana uu intaas ku ladhay “Marka laga heshiiyo arrimaha siyaasadda waxaa furfurmaya arrimaha bulshada iyo arrimaha dhaqaallaha, markaa waxaan aaminsannahay oo aanu mahad naq gaar ah siinaynaa saddexda guddoomiye ee saddexda xisbi qaran, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu muddooyinkii dembe xoog uga shaqaynayay sidii ay axsaabtu isugu soo dhawaan lahayd. Isagoo guddoomiyaha xisbiga UCID runtii ku suntan nabadda Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland oo magaalada Hargeysa ugu waramay UNIVERSAL TV.
Mar wax laga weydiiyey xaallada beryahan uu gobolka Sanaag qaybo ka tirsani u ku jiro iyo iska hor imaadkii dhawaan ciidammada qaranka Somaliland iyo u dhexeeyey jabhadda uu horkaco sarkaalka ka goostay ciidammada qaranku, waxaa “Arrintaasi muddo ayay soo taagnayd waxaana ay tahay sidii Madaxweynuhu sheegayba in lagu dhameeyo wada hadal, odayaal waaweyn iyo wax garad kaleba way galeen. (waxaanan leeyahay) dhalinyaradaas reer Somaliland (Jabhadda) wadankani waa wadankii ay u soo halgameen, ee ay ciidanka u ahaayeen midnimadiisa iyo wada jirkiisana ay ka shaqaynayeen, markaa waxaa muhim ah in dhalinyaradaasi ay dawladdooda iyo odayaashooda aqbalaan, wixii tabasho ah ee ay qabaanna wada hadal lagu soo afjaro, taas badalkeedana laga daayo siyaasiinta arrinta siyaasadaynaya, lagana joojiyo dadka sallaan siyaasadeed oo loo koro ka dhiganaya wadajirka shacbiga Somaliland iyo dhiigooda la daadiyo, ka daaya ayaannanu leennahay oo allaha idin abuuray ka cabsada, dadkani waa dad walaalo ah oo meel aan kala tagayne”. Ayuu yidhi Wasiirka hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
HALKANA KA DAAWO FAAH-FAAHINTA WARKAN.
Xogsoormedia.net.Hargeysa