Ceel-afweyn(Xogsoor Media.Net):- Urur ay ku midoobeen dhallinyarada labada beelood eek u dagaalamay Ceel-afweyn oo la magac baxay Nabad-doon,ayaa soo saaray baaq nabaded oo ay u dirayaan labada beelood ee ay ka soo jeedaan dhallinayarada ururkaas ku midoobay.
Dhallinyaradan,ayaa ugu baaqay waxgaradka labada beelood in ay kaga daydaan sida ay u maidaysanyihiin isla markaana colaadda ay nabad ku bedelaan.
Waxaanay caddeeyeen in aanay cidna ku xidhnayn isla markaana xukuumad iyo asxaab-ba ay ka madaxbannaan yihiinwaxa keliya ee ay u taagan yihiinna ay tahay nabadda gobolka Sanaag iyo soo celinta walaalnimadii labada beelood.
Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland