Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID isla markaana ah Siyaasi madaxbannaan hadda Cabdinaasir Xasan Buuni,ayaa xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in ay xidhiidhka u jarto dalka Sucuudiga isla markaana xidhiidh dhaw oo ganacsi iyo siyaasadeedba ay la yeelato dalka Iiraan.
Waxaanu intaa ku daray in siyaasadda caalamku is bedello badan leedahay isla markaana loo baahan yahay in lala jaan qaado oo aan meel keliya aan lagu xidhnaan.
Waxaanu siyaasad xumu ku tilmaamay in suuqa xoolaha Somaliland meel keliya u xidhnaado oo ah dalka boqortooyada Sucuudiga oo imika toos ula safatay dawladda Soomaaliya ee taagta daran.
Waxaanu inraa raaciyay in caalamku Somaliland ogsoon yahay in ay tahay xaqiiqo jirta oo aan la dafiri karin laakiin ay u baahan tahay hoggaamin iyo siyaasad cad oo caalamka lala yeesho oo dunida meelo kala duwan la xidhiidha,taasoo uu sheegay in ay u baahan tahay dadkii ka midho dhalin lahaa oo keliya.
Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland