New-york (Xogsoor Media.Net): – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa si aan hore looga baran ga hadlay qaraxii ka dhacay Hoteel Cascaeey ee Kismaayo o ay ku dhinteen dad tiradoodu ku dhawdahay soddon ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.
Kullan ay yeesheen 15ka xubnood ee golaha ammaanka,ayaa lagu dalbaday in gacanta lagu soo dhigo dadkii qaaday weerarkii Kismaayo,kuwii abaabulay iyo kuwii dhaqaalaha ku bixiyay iyo cid kasta oo fududaysay in qaraxaasi uu fulo.
Waa markii ugu horraysay ee xubnaha golaha ammaanku intay shir ka galaan qarax ka dhacay Soomaaliya ay deg deg u dalbadaan in gcanta lagu soo dhigo ciddii qaraxa suura galisay iyo ciddii dhaqaalaha ku bixisay,iyadoo qaraxa Hoteel Cascaseey ee Kismaayo ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab.
Manay dhici jirin qarax ay AL-Shabaab sheegatay in la yidhaahdo ha la soo qabto ciddii ka dambaysay ama dhaqaale ku bixisay.
Waxaa kale oo kulanka ay yeegeen 15ka xubnood ee golaha ammaanka lagaga dalbaday dhammaan dalalka caalamka, iyada oo la eegayo xilka ka saaran shuruucda adduunka iyo qaraarada golaha ammaanka inay la shaqeeyaan xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee arrinta ku shaqada leh.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland