Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Markab Xoolo ka Qaaday Berbera oo Ku Xanniban Sucuudiga

0
347

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland,ayaa ka hadashay Markab Xoolo  ka qaaday Marsada Berbera oo ku xanniban Dekeda magaalada Jiddah.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id  ku qabtay xarunta wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Hargeysa,ayaa sheegay in Markabkaku  xoolaha sida ee ku xayiran magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga in xoolaha uu sido aan lagu soo celin doonin Marsada Berbera isla markaana Xoolahaasi ay yihiin Xoolo laga iibsaday Somaliland oo ka baxay.

Waxaa kale oo Wasiir Xasan uu sheegay in Suuqa Xoolaha Somaliland aanu u xidhnaan doonin Sucuudiga oo keliya balse Somaliland ay u raadin doonaan suuqyo badan oo kale oo ay Xoolaha u iibgayso.

Waxaanu meesha ka saarayWasiirku  in Somaliland cidi ku dirqiyi karto in ay  Fasaxa dhoofka xooleheeda ay ka soo qaadato dawladda Xamar.

Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

Xogsoor media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here