Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- dal ka mid ah waddamada dunida Muslimka isla markaana dadkiisu boqolkiiba 99 ay Muslimka yihiin,ayaa soo saaray sharci guur oo Diinta Islaamku xaaraantinimaysay.
Dowladda Tunisiya ayaa bedeshay xeerka islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn.
Waxaanay dawladda Tuuniisiya soo saartay xeer ay ku hirgalinayso haweenka dalkaasi in ay guursan karaan ragga aan muslimka ahayn,guurkaas oo sharciyan diinta Islaamka aan bannaanayn.
Haweeney afhayeen ah oo u hadashay madaxweynaha dalkaas Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday arrintan waxaanay dumarka ugu hambalyeysay helitaanka “xorriyadda ku saabsan in qof walba uu guursado qofkii dookhiisa ah”.
Ilaa hadda, nin kasta oo aan muslim ahayn haddii uu damco inuu guursado haweeney reer Tunisia ah oo muslimad ah, wuxuu ku qasbanaan jiray inuu soo islaamo, islamarkaana uu soo bandhigo shahaado caddeyn u ah inuu diinta islaamka qaatay.
Dalka Tunisia oo 99% muslim ah ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka carabta ee horumarka weyn ka gaadhay ilaalinta xuquuqda haweenka ee reer galbeedaynta ah.
Isbaddalka cusub ee lagu sameeyay sharciga ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Essebsi ku dadaalay in meesha laga saaro xeerka xaddidaya guurka haweenka muslimiinta ah ee waddankaas, kaasoo la meel mariyay sanadkii 1973-kii.
Khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay munaasabad loogu dabaal dagayay maalinta haweenka ayuu ku sheegay in xeerka xaddidaya guurka “uu caqabad ku noqday xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu dookhiisa guursado”.
Tallaabada dawladda dalka Tuunisya ay qaaday ee ay ku laashay sharcigii guurka haweenka Muslimka ah u ogolaa guurka ragga Muslimka ah oo waafaqsan Shareecada Islaamka isla markaana ay ku soo saartay sharci guur oo lid ku ah Diinta Islaamka ayay dadka dalkaasi siyaabo kala duwan u arkaan iyadoo Haweenka dalkaas ay aad u soo dhaweeyeen una arkaan in ay heleen xuquuq ka maqnayd,halka ragga dalkaasina ay u arkaan in sharciga dawladdu ay ku dhawaaqday in uu yahay mid aan waafaqsanayn diinta Islaamka oo dadka dalkaasi ay 100/99 haystaan.
Wali waxaa kale o aan ka hadal sharcigan fasaxaya guurka baal marsan diinta Islaamka culimada dalka Tuuniisiya.
Xogsoor Media.Net
Hargesa Somaliland