Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,ayaa bogaadiyay maxkamadda oo ay sheegeen in garsoorihii hagayay dacwaddii lagu soo eedeeyay Guddoomiyihii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme isla markaana waxay masuuliyiinta Xisbiga Waddani eedeeyeen xeer illaalinta qaranka oo ay ku eedeeyeen in ay gef ku hayso shacabka Somaliland isla markaana wax ay ku sheegeen iska dhaadhicin iyo guul wadayn in ay ku xidhayso dadka aragtidooda cabbira.
Waxaa kale oo ay Madaxweynaha qaranka u soo jeediyeen n uu xamilkeeda yeesho dhaliilaha loosoo jeediyo oo aany odhan qofkii i eedeeyaba soo xidha.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI KHadar iyo Ismaaciil yare oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga Waddani,ayaa ka hadlay xukun maanta ay ku ridday Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xoghayaha garabka dhallinyarada Dhamme oo lix bilood maanta lagu xukumay.
Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland