Hargeysa(Xogsoor Media):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa laalay maanta wareegto hore dhaqan galkeeda uu u diiday golaha wakiilada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hore u soo saary wareegto Madaxweyne oo xaalad deg deg ah loogu soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag,wareegtadaas oo markii uu madaxweynaha Somaliland soo saaray uu u gudbiyay golaha wakiilada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkood dastuuriga ah.
Laakin wareegtadaas ayay golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku diideen meel marinteeda sidaas,aanay ku joogsatay oo aanay ku dhaqan galin.
Laakiin maanta ayuu Madaxweynaha Somaliland soo saaray wareegto uu ku olaalayo dhaqangalka wareegtadaas hore.
War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtoyada oo lagu laalay wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan.
WAREEGTO MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah
Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga HargeysaKu: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;
Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;
Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;
Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;
Waxaan Go’aamiyey;
1)In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.
2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland