Hargeysa(Xogsor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa faah faahin ka bixiyay gogol xaadhka wada hadal Somaliland iyo Soomaaliya u furmi lahaa oo dhanka Soomaaliya ka baaqatay iyo cidda ay la kulmeen.
Waxaa kale oo wasiir Faratoon uu intaa ku daray in Somaliland ay tahay cidda keliya ee shirka la tagtay qorshe cad oo ay leedahay iyo garnaqsi sax ah oo ay ku midaysan yihiin dhammaan Somaliland oo dhan.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay is arkeen madax babdan oo shirkaa ka qayb galaysay o dhex dhexaadin lahaa labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiir Faratoon oo ka hadlayay shirka ay tageen iyo siduu qorshuhu ahaa ayaa yidhi. “qorshuhu wuxuu ahaa oo xalay lagu kala seexday in shirka aanu isugu nimaadno Soomaaliya iyo Somaliland labada wefti ee ka socdayba,laakiin markii aanu saaka tagnay shirka ayaa war kale soo baxay oo la yidhi Soomaaliya kama soo qayb gelayso,markaa waxaanu la kulanay dadkii madaxda ahaa ee dhex dhexaadinta ahaa ee shirkaa ka qayb galayay doodayadiina waanu dhiibanay.”ayuu yidhi Wasiirka oo la hadlay BBC-Somali.
Waxaanu intaa raaciyay mar la waydiiyay doodda Somaliland iyo Soomaaliya kala wataan ta saxda ah,wasiir Faratoon. “annagu waxaanu wadanaa dood sax ah oo ah in Somaliland ay xaqeeda hesho caalamka maanta la isma qasbi karo Somaliland iyada oo xor ah ayay Somaliland ku biirtay maantana iyadoo xor ah ayay qarannimadeeda la noqotay markaa caalamkuna doodayada wuu garwaaqsaday oo wuu arkay in aanay xaq ku taaganahay,waxaanan ku rejo waynahay in Somaliland ay xaqeeda helayso oo aanay sidan ahaanayn.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland