Istanbul(Xogsoor Media.Net):- Musharaxa ka socday xisbiga mucaaridka ah ee CHP,ayaa mar labaad ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee loogu tartamayay maayerka Istanbul.
Guusha xisbiga mucaaridka ahi ku hantiyay maayerka Istanbul ayaa dhabar jab ku ah madaxwaynaha Turkiga iyo xisbigiisa AK oo aad u doonayay in ay doorashada ku celiska ah ku helaan kursiga maayerka magaalada.
Duqa cusub ee Istanbul iyo xaaskiisa oo codeynaya, doorashadi maanta ka dhacday Istanbul.
Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yidhaahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul.
Imamoglu oo ah 49 jir aan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka badiyay musharrixii ka socday xisbiga talada haya ee AK isla markaana soo noqday Raysalwasaare hore Binali Yildirim oo isagu caawa qirtay in doorashada lagaga guuleystay.
Waa markii labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib markii ay guddiga doorashadu diideen natiijada doorashadi Istanbul ee 21-ki bishi March.
Sida ay muujineyso natiijada horhdaca ah, musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ah ayaa helay codad dhan 53.86 % halka Yildirim uu helay 45.23
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland