Addis(Xogsoor Media.Net):- Warbaahinta dawladda Itoobiya yaa xaqiijisay afar sarkaal oo uu ka mid yahay taliyihii ciidamada dalkaas, General Seare Mekonnen inay rag hubaysani dileen.
Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare ayay sidoo kale askartu dileen. Waxaana
Raysal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay iyadoo uu qalalaase ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.
Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday isagoo xidhan dareyska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir
Dar.Goor sii horraysayna xukuumaddu waxay sheegtay in “afgambi fashilmay” uu ka dhacay gobolka Amxaarada.
Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay.
Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Raysal-wasaare, waxaanu soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya isagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda.
Balse sida Qaramada Midoobay ay sheegtay, qalalaase qowmiyadeed inuu dib uga soo cusboonaaday dalkaas, taas oo keentay in 2.4 million oo qof ay barakacaan.
Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”.
Balse wax faahfaahin ah kama aanu bixin xalaaddiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxaanu sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen.
Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada.
Waxaanu intaas ku daray in ay socdaan dadaallo lagu qabqabanayo.
War qoraal ah oo kasoo baxay, xisbiga xukuma gobolka Amxaarada ayaa qalalaasaha dhacay ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka oo Mr Abiy markuu xukunka qabtay uu jeelka ka sii daayey.
Goob jooge ku sugan Bahir Dar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in is rasaasayntu ay ugu yaraan afar saacadood qaadatay.
“Markii hore waxaan u malaynaynay xaalad iska caadi ah, balse markii dambe waxaan maqalnay dhawaqa hubka culculus,” ayuu yidhi.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland