Axad (Xogsoor Media.Net):–Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland, Yuusuf Xaaji Nuur ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla dalka Turkiga oo muddooyinkii u dambeeyay uu ugu jiray xaalad caafimaad
Marxuun Yuusuf Xaaji Nuur, ayaa Turkiga loogu qaaday xanuun ku soo booday,waxaana sida ay ku warrantay warbaahinta Puntland lagu sheegay in uu maanta ku geeriyooday Cisbitaalkii lagu dabiibayay.
Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur,ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo shaqaynayay Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland illaa xilligii maamulkaas la aasaasay oo ahayd sannadkii 1998-dii.
Waxaanu soo noqday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee maamulka Puntand ee ugu horreeyay ee Puntland ay yeelato.
Waxaa kale oo uu so noqday madaxweyne ku meel gaadh ah oo uu muddo xilli kala guur ah uu hayay.
Waxaa mar kale loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulkaas oo u u magacaanay Madaxweynihii hore ee Cabdiwali Gaas,illlaa imika oo uu Turkiga ku geeriyoodayna waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland