Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiadda Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Cargaysa Prof: Maxamuud Yuusuf Muuse,ayaa ka war bixiyay heshiis hore ay u wada gaadheen Jaamacadda Hargeysa iyo wasaaradda Isgaadhiinta iyo guulaha qaran ee heshiiskaasi soo hooyay ee midha dhalka noqday.
Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiita oo faah faahin ka bixyay ujeedooyinka heshiiskaas laga lahaa ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee laga duulayay ay ka mid ahaayeen in la helo adeeg isgaadhsineed oo daboola baahida dadweynaha reer Somaliland ee loo adeegayo oo aanay dadku noqon kuwo laga shaqaysto oo keliya isla markaana aan loo dhaxayn bulshada iyo shirkadaha.
Waxaa kale oo uu wasir Dr Cabdiwali uu intaa raaciyay in dawladaha caalamka mid waliba ay leedahay xir iyo xog u gaar ah isla markaana qaran waliba mudnaanta koobaad uu siiyo illaalinta iyo dharwsanaanta xogta dawladda taasloo uu caddeeyay in ka wasaarad ahaan ay arrintaa ku baraarugsan yihiin iyagaoo ka duulaya illaalinta iyo dhawrsanaanta xogta qaranka ee ku kaydsan laamaha dawladdana ay qaadeen tallaabooyinkii ku habboonaa.
qodob kale oo aad u muhiim ah ayuu sheegay wasiir Dr Cabdi wali in uu yahay yoolkooda ugu wayn kaas oo ah in ay mar kasta daraasad iyo cilmi baadhis ku sameeyaan tiknoolajiyada iyo heerarkeeda kala duwan iyo adba wixii ku soo kordha iyo inta qaranku uga baahan yahay taasoo uu iftiimiyay in ay u kala sameeyeen hal beegyo laga duulayo laguna jaanqaadayo caalamka.
waxaa kale oo isna ka hadlay faa’iidooyinka heshiiska ay Jaamacadda Hargeysa iyo wasaaraddu wada galeen guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
Haddaba warkaas oo dhammaystan halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland