Xukuumadda Somaliland Oo Dalalkoodii Dib Ugu Celisay 767 Carruur Ajaanib Ah

0
411

Hargaysa (XogsoorMedia.net) Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta War-bixino lagaga dhegaystay Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Tiknoolajiyadda.

Related image

Wasiiradda Shaqada iyo Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo mid mid War-bixinno uga hor akhriyey Golaha Wasiirrada ayaa soo bandhigay waxyaabaha ugu muhiimsan ee Wasaaradaha ay Masuulka ka yihiin qabteen muddadii u dambaysay.

 

Wasiirka Shaqadu waxay sheegtay inay sannadkii hore Carruur ka badan 7 boqol ku celiyeen Dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

 

Waxaana sidan lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray  Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, kaas oo War-bixinnada Wasiirradu siiyeen Golaha Wasiirrada ay qornayd sidan:-   “Kal-fadhigii 36-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiiradda wasaaradaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada & qoyska iyo Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda. Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo ugu horayn goluhu warbiximo ka dhegeysteen ayaa ku dheeraatay ahmiyadda shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeegga aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaraddu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodii, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.

 

Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay in ay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii. Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kuur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada bulshada.

 

Waxaanay wasiirku golaha horkeentay qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi.

 

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa golaha u soo bandhigay siyaasadda maamulka ICT-ga dawladda Somaliland oo ay ka wasaarad ahaan markii u horaysay samayso siyaasad loogu talo-galay in lagu hago ICT-ga dawladda.

 

Isagoo wasiirku sharaxay ujeeddooyinka laga leeyahay diyaarinta siyaasaddani ay tahay, sidii loo heli lahaa tiknoolajiyad tayadeedu sarayso, ilaalinta bedqabka xogta dawladda, ilaalinta agabka lagu kaydiyo xogta ICT-ga dawladda, xoojinta iyo kor u qaadidda isku xidhnaanta dawladda, samaynta cilmi baadhisyo lagu horumarinayo ICT-ga dawladda, xakamaynta kharashka ku baxaya ICT-ga dawladda iyo kobcinta aqoonta, xirfadaha shaqaalaha ICT-ga dawladda.

 

Ugu danbayntiina golaha wasiiradu ansixiyeen siyaasadda maamulka ICT-ga Dawladda..”

 

ALLAA MAHAD LEH.

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here