Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Gobolka Sool Oo Raali-gelin Ka Bixiyay Hadalkii Xildh. Dhakool Ku Naqadiyay 18 May

0
397

Hargaysa (XogsoorMedia.net) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa isla-markaana Warbaahinta kula hadlay waxay ku sheegeen inay raali-gelin ka bixinayaan hadallo ka dhan ah Qaranimada Somaliland oo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan GolahaWakiillada Somaliland hore uga soo yeedhay, kaas oo Ciidamada amaanku ay xabsiga u taxaabeen.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ayaa sheegay inay isku afgarteen sidii ay raali-gelin uga bixin lahaayeen hadalladii ka soo yeedhay Xildhibaan Dhakool, waxaanu yidhi “Muhiimadu waxay tahay dadweynaha reer Somaliland inaanu ka raali-gelino, kelmadaa ka soo yeedhay (Xildhibaan Dhakaloo) raali-gelintaana waanu isku ognahay. Bil Ramadaan baynu ka soo baxnay  Odaygaana (Xildhibaan Dhakaloo), wixii ku saabsan arrinkiisana waanu iska arki-doonaa Xukuumadda.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.

 

HALKAN KA DAAWO FAAH-FAAHINTA WARKAN.

 

Xogsoor Media.Net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here