Dhaawac Loo Geystay Gabadh Soomaaliyad Ah Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya

0
407

Hargaysa (XogsoorMedia.net)  Faadumo Geedi, oo ah Gabadh laga soo doortay  ismaamulka Wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya, ayaa Xildhibaan kale oo Soomali ah oo ay ka wada tirsan-yihiin Baarlamaanka dalkaasi uu dhaawc gaadhsiiyay, kadib markii uu feedh daanka  kaga dhuftay.

Xildhibaanka gabadha feedhay ayaa lagu magcaabaa Rashiid Qaasim,waxaana laga soo doortay isla maagaalada Wajeer.

 

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay warbaahinta Kenya, in Mudane Rashiid Qaasim uu ku eedeeyay Faadumo Geeddi inay ku fashilantay inay Lacaq u qoondayso deegaanka isaga lagasoo doortay,maadaama ay ka mid tahay gudida dhaqaalaha ee Baarlamanka Kenya.

 

Muran halkaasi ka bilaabmay ayaa sababay in Xildhibaan Rashiid Qaasim uu Feedh la tiigsado Xildhibaanad Faadumo Geeddi, sida ay u sheegtay saraakiisha Booliska ee Saldhigga ku leh guddaha Baarlamanka Kenya oo ay kiiska u gudbisay.

 

“Meesha ayaan iska marayay aniga iyo saaxiibadday Ms Manga markii uu ii yimi ee buuq iug billaabay, daqiiqad kadibna daanka ayuu iga feedhay” ayay tidhi Xildhibaan Faadumo Geedi.

 

Xildhibaan goob joog ahaa ayaa isna warbaahinta u sheegay in Faadumo Geedi ay u sharraxday Xildhibaaanka falka gaystay in gudida Miisaaniyadda ee Baarlamanka kenya ay booqdeen ismaamulka Wajeer isla markaana ay dadka deegaanka ka waraysteen meelaha ay doonayaan in muhiimadda la siiyo Miisaaniyadda.

 

“Waxaa u sheegay in ismaamulka Wajeer,kaliya loo qoondeeyay 100 Milyan oo shilinka Kenya ah, taasi oo lagu bixin doono meelo cayiman oo ku aaddan baahiyaha aasaasiga ah sida biyaha iyo wadooyinka” ayay raacisay.

 

Xildhibaan Rashiid Qaasim oo lagu eedaynayo inuu feedhay gabadh Xildhibaanada ah ee ay ka wada tirsan-yihiin Baarlamanka Kenya, ayaan warbaahinta la wadaagin sida ay wax u dhaceen.

 

 

Xogsoor Media.Net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here