Guddoomiye Ciro oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse U Soo Jeediyay Fulinta Heshiis Xukuumaddii Siilaanyo Gashay

0
356

Hargaysa (XogsoorMedia.net)Guddoomiyaha Xisbiga  Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi ayaa  ka  hadlay  fulin la aanta  heshiiskii ay hore u kala saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Twitterka ku faafiyay farriin ku socota madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo nuxurkeedu yahay in uu fuliyo heshiiskii dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

 

Farriinta Cirro ayaa u dhigan “Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo, Waxaana muhim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka.”

 

Hadalka Guddoomiye Cirro,ayaa ka dambeeyay ka dib markii xukuumadda Madaxweyne Muuse la sheegay in ay ka dhego adaygtay in ay fuliso heshiiskii xukuumaddii hore ee KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo au wada gaadheen Dr Cali Khaliikh Gallaydh..

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here