Hargaysa(Xogsoor Media.Net):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntand isla markaana ,beesha caalamka ku war galiyay in Puntland ay dagaal ku dhawaaqaday Somalilandna ay diyaar u tahay in ay dalkeeda iyo dadkeedaba ay difaacdo.
Waxaa kale oo uu xildhibaan Nacnac is barbar dhig ku sameeyay maxaabiistii Somaliland ay haysay ee Madaxweynaha qaranku sii daayay sidii loo sii sagootiyay iyo sadex askari oo ay Somaliland ka haysay Puntland siday ku soo dhiibeen.
Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“ umadda oo dhami waxay la yaabtay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Punland ee Soomaaliya iyo nimankii maxaabiistii Punland ee madaxweynuhu saamaxay ee aynu sii daynay sidaynu u amba bixinay ee aynu shandado suudhadh ku jiraan usii siinay,ee aynu ku nidhi walaalayaal dhiigiina dooni mayno,halka Puntland saddexdii nin ee ay innaga hayeen ee ay soo daayeen Baco ayay siteen oo timihii ayaa ku baxay,markaasuu waliba yidhi Mdaxweyne ku xigeenkii Punland Sool iyo Sanaag inta aad ka baxaysaan nabedgalyo yeeli mayno waa inoo dagaal,adduunwaynaha waxaan u sheegaynaa in dagaal Punland iclaamisay wakaas ee ogaada ayaan leeyahay.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “ballan waxaanu ku qaadaynaa in Garoowe aad ka qaxdaan hadaad na dayn waydaan waxaanu nahay Somaliland, haddaad farta dhexda ka qaniini waydaan Somaliland ma nihin ayaan leeyahay,”.
Waxaa kale oo uu xildhibaanku hambalyo u diray guud ahaan shucuubta Islaamka gaar ahaan bulshada Somaliland oo uu ku hambalyeeyay munaasibadda ciidal-fidriga waxaanu yidhi“Halkan waxaan salaan uga dirayaa ciidanka qaranka Somaliland ee jooga jiida hore iyo labada gole qaran ee Wakiilada iyo Guurtida waxaanan leeyahay ciid wanaagsan kulu caam wa antum bilkhayr ciid wanaagsan ayaan leeyahay shacabka Somaliland iyo dadka muslimiinta ah,ciidda ciideeda bashbash iyo barwaaqo ALLE ha innagu gaadhsiiyo ayaan leeyahay iyo inagoo ictiraafkii helnay.”.
Haddaba warka Xildhibaanka oo muuqaal ah halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland