Boqor Buur Madaw oo Iftiimiyay Qabsoomidda Shir Laba Beelood ah oo Kulmiye ka Diday

0
441

Hargeysa(Xogsoor Media.NetP):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw,ayaa iftiimiyay shir ay  qabsanayaan beelaha bariga iyo galbeedka Burco oo uu sheegay in ay dhawaan qabsoomi doona.

Waxaanu caddeeyay in shirkaasi uu yahay shir labada beelood ay aayahooga kaga wada hadlayaan isla markaana shirkaas aanay ku jirin wax xukuumadda lid ku ah ama mucaaridnimo lagu abuurayo laakiin ay danaha labada beelood oo ee isku deegaanka ahi ay danaha ay wadaagaan ay kaga wada hadlayaan.

Waxaa kale oo uu dhaliil wayn u soo jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo shirkaa Boqorku ka hadlay dhaliilay.

Boqorka ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu khadka taleefanka ku siiyay Bulsho TV isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta,isagoo dhammaystiran halkan ka daawo.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here