Badhasaabkii Awdal Gobolka Ka Maqan Muddo iyo Xildhibaan ka Hadlay

0
428

Boorama(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali,ayaa muddo ka soo maqnaa gobolka uu guddoomiyaha ka yahay ee Awdal isla markaana aan ku noqon xarunta gobolkaas  ee Boorama ka dib markii laba sarkaal lagu dilay deegaanka gobolka Sool oo madax ka ahaa booliska iyo Asluubta ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag oo koox dablay ahi jid gooyo ku dileen.

Markii dilka labada Sarkaal oo ka soo deeda deegaan ahaan gobolka Awdal ay dablaydu geysteen ayuu guddoomiyaha gobolka Awdal goor habeenimo ah guura gal kaga yimi Boorama.

Haddaba xildhibaan ka tirsan tirsan xubnaha golaha deegaanka degmada Boorama oo soo dhawaynayay qaar ka mid ah ardaydii soo dhammaystay shaqo qaran  oo ku noqday Boorama,ayaa sheegay in Badhasaabkii gobolka Awdal magaalada ka tegay isagoo intaa raaciyay in cid magaalada ka sheegatay oo uuka cararay aanay jirin.

Waxaanu xildhibaanku intaa ku daray in aanu gobolka iyo magaalada Booramana  ku soo noqon doonin.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here