Taliska Booliska oo ka Hadlay Shil Gaashi oo Gaystay Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac

0
406

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland,ayaa ka hadlay shil gaadhi oo sababay qasaare dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay duleedka degmada Dacar Budhuq.

Gaadhi Bas ah oo ay leedahay shirkadda basaska rakaabka qaada ee Bixin ayaa ku gaddoomay  meel u dhaxaysa Dacar Budhuq iyo Ko’da yare.

Gaadhiga qalibmay,ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen Somaliland labada kalena ay u dhasheen dalka Bangaladheesh.

Halka toban qof oo ku dhaawacmayna ay 6 ka mid ahi ay u dhasheen Bangaladheesh.

Taliyaha ciidanka nabad gelyada waddooyinka ahna afhayeenka ciidanka booliska Somaliland gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo ka hadlayay shilkaa gaadhi ee qasaaraha nafeed geystay, halkan hoose ka daawo.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here