Damala Xagarre(Xogsoor Media.Net):- Dagaal sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac,ayaa ku dhex maray ciidanka qaranka Somaliland iyo ciidanka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
Dagaalka labada dhinac dhex maray ayaa ka dhacay deegaanka Damalla Xagare oo ka tirsan degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ka dib markii wasiirka waxbarashada Puntland uu isku dayay inn uu gudaha u soo galo deegaanka Dammalo Xagare, taas oo ay iska hor taageen in ay deegaanka usoo gudbaan ciidanka qaranka Somaliland halkaana waxaa labada ciidan ku dhex maray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Puntand,ayaa sheegay in dhankooda 3 askari ka dhinteen,halka Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka qaranka o jiiddaa ku sugani uu sheegay in aan dhankooda wx qasaare ahi soo gaadhin.
Haddaba warkan oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.