Madaxda Soomaaliya waxaa loo diiday in dal ku gal loogu dhufto Baasaboor Soomaaliga ay Sitaan
Nayroobi(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Kenya ayaa diiday in ay dalkeeda galaan oo loo fiiseeyo xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya iyo wasiir ku xigeen socdaal ku tegay maanta dalkaas oo ka degay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport. Ka dib markii dawladda Kiiniya ay so saartay sharci lagu joojiyay in dublamaasi baasaboorka Soomaaliya ee ay ku safraan madaxda dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadu in loogu fiiseeyo madaarka Nayroobe ee Kenya.
Xildhibaannada iyo wasiirada ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhay Kenya
Wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Korontada Cusmaan Libaax, Senator Zamzam Daahir iyo Senator Ilyaas Xasan Cali ayaa ku sugan caawa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, kadib markii loo diiday dal ku-galka ama Visaha dalkaasi.
Warar ay warbaahintu heshay ayaa sheegayay in masuuliyiinta Soomaaliya ee xildhibaanada iyo wasiir ku xigeenka ahi in ay hadda ku xayiran yihiin garoonka magaalada Nairobi maadaama aanay jirin diyaarad caawa dib ugu soo celineysa Muqdisho, islamarkaana loo diiday inay galaan gudaha dalka Kenya.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Kenya ay maanta diiday dal ku-galka ama Visa-ha On Arrival ee Garoonka loogaga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada dowlada Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya
Sadexdan masuul ayaan haysan baasabooro dalal kale ah, si ay ugu galaan dalka Kenya eek u xannibay garoonka diyaaradaha ee Nayroobi taasoo haddii ay haysan lahaayeen ay u suura gali lahayd in ay sidii wasiirkii ka horreeyay maanta ee ay arrintaaasoo kale ku dhacday in ay ku baxsan lahaayeen baasaboor ka dhigaya muwaadiniin dal kale in ay gudbi lahaayeen loona fiisayn lahaa.
Dowladda Kenya ayaa maanta soo rogtay amarro cusub oo dhanka socdaalka ah kuwaas oo halis ku ah siyaasiinta Soomaalida iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaa lagaga hadlay mana jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Soomaaliya eek u xanniban garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport
Tallaabada dawladda Kenya ay ku diiday fiisaynta baasaboorka diblamaasi baasaboorka Soomaaliya ayaa ah mid dhabar jab ku ah dawladda Soomaaliya oo lagu bahdilay dawladnimadeeda maadaama ay Kenya madax sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo golaha sare ay u diiday in ay baasabiirka u fiisayso isla markaana wararku ay intaa ku darayaan in Kenya ay aroorta dib ugu celinayso madaxda Soomaaliya ee madaarkeeda ku maxbuusan Muqdisho.
Tallaabada Kenya qaaday ayaa la sheegay in ay ka dhalatay muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kiiniya taasoo dawladda Kenya ay Soomaaliya ku cadaadinayso in arrinta badda looga hadho Kiiniya
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland