Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ka hadlay halista dhaamka Daami uu ku hayo dadka u dhaw iyo sida aan loo fulin amarkii sannad ka hor uu madaxweynaha Somaliland faray maayerka caasimadda kuna amray in dhaamkaa la baneeyo.
Waxaa kale oo uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qasaarihii uu sababay roobkii xalay ka da’ay caasimadda Hargeysa,waxaanu bulshada ku dar daaray in ay ku baraarugsanaadaan khatarta roobka.
Waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibedda oo xukuumadda Madaxweyne Muuse uu sheegay in ay ku fashilantay
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in dalku leeyahay sadex xisbi qaran,isla markaana ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasadda guud ee dalka.
Waxaanu beeniyay in uu la kulmay safiirka Qadar u jooga dalka Kenya,waxaanu intaa raaciyay in Somaliland ay u baahan tahay dalalka caalamkaoo dhan in ay xidhiidh la yeelato.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xadhigga xildhibaan Dhakool oo uu sheegay in uu sharci darro iyo dastuur jabin in uu yahay
Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.