Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Dhallinyaro ka mid ah dhallinyarada caasimadda Hargeysa,ayaa habeenkii xalay ahaa si deg deg ah uga hawl galay in ay ka shaqeeyaan oo ay banneeyaan waddooyinka halbawlaha ah ee caasimadda kadib markii roobkii xalay ka da,ay caasimadda Hargeysa uu waddooyinka keenay qashin iyo dhagaxaan badan oo hakiyay isu socodkii gaadiidka.
wadada togdheer marta ama wadada labaad ee halbawlaha caasimadda Hargeysa ee dhina waqooyi ka marta dhakhtarka ayaa ka xidhan tahay halka ay kaga soo dhacdo wadada ka soo daadegta Idaacadda waxaaan isgoyska Togdheer uu noqday meel aan waddo ahayn oo la odhan karo waa haro qashin qub ah laakiin dhallinyaro ka soo baxay salaaddii taraawiixda iyo gabadh jidkaa ku leh meherad ayaa iska kaashaday in ay wadadaa xaadhaan oo ay qashinkii daadku keenay iyo dhagaxaantii ka guraan oo ay iskoobeyaal iyo gacmahooda kaga xaadhaan halka ay meesha ka maqnayd guud ahaan kaalintii ay dawladda hoose ku lahayd bannaynta jidkaas,
Waxaana aan la arag guud ahaan dawladda hoose cid ka socoto iyo gaar ahaan maamulkii degmada 26 Juun oo halka wadaddaasi ay martaa ay ka tirsan tahay.
Haddaba daawo dhallinyaradan muujiyay waddaniyadda iyo dal jacaylka ee isu xilqaamay in ay waddaaa banneeyaan