Dadweyne Waxyeello ka Soo Gaadhay Roobkii Xalay oo Eedaymo U Jeediyay Dawladda Hoose

0
431

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Qaar ka mid ah dadweynaha xaafadda Macalinn Haaruun ee caasimadda Hargeysa,ayaa ka hadlay qoysas qasaare ka soo gaadhay roobkii xalay ka da,ay magaalada Hargeysa iyo sida aanay wax gurmad ah uga helin dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa.

Waxaanay intaa raaciyeen in qoysas danyar ah oo deggan Macalin Haaruun ee caasimadda Hargeysa oo xalay daad qaaday in aanay wax gurmad ah ka helin dawladda hoose iyo laama dawladda midnaba.

Waxaanay intaa raaciyeen in dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa in ay ku fashilantay in ay bannayso biyo mareenada magaalada taasina ay sababtay in dad badan daad qaado ka dib markii qashin buux dhaafiyay laagaha biyo mareenka ah ee caasimadda Hargeysa,waxaany u mahad naqeen shirkadda laydhka ee SOM PAWER oo qoysaskaa u soo gurmatay.

Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here